Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka subaxnimadii Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu mid mid u booqday bukaannada, isaga oo u muujiyey dareen naxariis leh, isla markaana ka xog-waraystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu si buuxda u barbar taagan yahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, isla markaana aanay kelidood ahayn.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha Dhakhtarka Guud ee Hargeysa uga mahadnaqay dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, isaga oo ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu mar kale tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaadhay, isaga oo Allah SWT uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay .
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
