𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒L 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱-𝐬𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Daah-furay Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha JSL oo lagu qabtay Grand Haadi Hotel, magaalada Hargeysa.

Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha dalka oo ahayd tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland, waxa si heer sare ah u soo agaasimay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, iyaga oo kaashanaya Hay’adaha iyo Ururrada wada-shaqaynta la leh Wasaaradda, waxana ay socon doontaa muddo laba cisho ah.

Carwadan oo ahayd madal Qaran oo ay ku kulmeen dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee ku lugta leh ka Ganacsiga iyo horumarinta Xoolaha, waxa hadallo iyo warbixinno Aqooneed ka soo jeediyey Agaasimaha Guud, Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same) iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Waxa ay faah-faahin mug leh ka bixiyeen ujeeddada Carwada, taasi oo ahayd in la muujiyo awoodda dhabta ah ee Xoolaha Somaliland, lana xoojiyo silsiladda daryeelka, wax-soo-saarka, ganacsiga iyo suuq-geynta Xoolaha nool.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxa ay caddeeyeen in Carwadani ay tahay mid si dhab ah u dhiirrigelinaysa hal-abuurka, tayaynta wax-soo-saarka Xoolaha, iyo furitaanka fursado ganacsi oo cusub, si kor loogu qaado dakhliga, shaqo abuurka, iyo horumarka dhaqaale ee dalka JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal qiimo leh ka jeediyey Munaasibadda Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha, ayaa mahad-naq iyo bogaadinba u jeediyey hawl-wadeennada sare iyo shaqaalaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Hay’adaha iyo Shaqsiyaadka suurto geliyay qabsoomidda Carwada Ka Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xoolaha nooli ay yihiin seeska dhaqaalaha dalka, astaanta hiddaha iyo dhaqankeenna, saldhigga nolosheena iyo sawraca gaarka u ummadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xoolaha nooli ay yihiin udub dhexaadka wax-soo-saarka dalka (ee GDP-ga) iyo laf-dhabarta lacagta adag ee aynu ka helno xoolaha nool ee ay dibedda u dhoofinno.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qof kasta oo reer Somaliland ah, nolol maalmeedkiisa caadiga ah uu ka marag kacayo muhiimadda ay xooluhu innoo leeyihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in ay lama huraan tahay in wax weyn laga bedelo qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, kaasi oo aan la jaan-qaadi karayn duruufaha nololeed ee ay xoolaheenu haatan wajahayaan, gaar ahaan xaalufinta degaanka, abaaraha soo noqnoqday iyo isbeddelka ku yimid Cimilada Dunida. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay bilowday tallaabooyin badan oo wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay:

1. Horumarinta hannaanka dhaqashada xoolaha,

2. Sameynta seerayaal cusub Gobollada Dalka oo dhan,

3. Daryeelka iyo kobcinta dhul-daaqsimeedka,

4. Daryeelka deegaanka,

5. U adkaysiga Isbeddelka Cimilada,

6. Xakamaynta cudurrada ku dhaca Xoolaha,

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Xukuumaddu ay soo dhaweynayso talada iyo waayo-aragnimada maalgashatada iyo khubarada Waddaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka soo qayb galay Carwadan, isaga oo sheegay in Maalgashiga iyo Ka Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha JSL ay u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah maalgashi si caddaalad ah looga wada faa’iidaysto.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇  

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),  

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

https://www.facebook.com/share/17h9KYU9zM