Shirkii 46-aad ee Golaha Wasiirrada JSL oo qabsoomay

shirkii 46-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyada Somaliland ayaa qabsoomay. Shirkan waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

Table of Contents

𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba oo ka jira dhammaan Gobollada dalka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha la wadaagay warbixin guud oo la xidhiidha Safar Shaqo oo isaga, Wasiirrada Gaashaan-Dhigga iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay ku tageen Gobollada Salel iyo Awdal.

𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada waxaa war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo weyn gelisay sidii ay u soo bixi lahaayeen Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2025-ka, taasi oo Dakhligii 11-kii bilood ee ina dhaafay (Jan-November) uu u soo xerooday sidii loo qorsheeyey.

Wasiirku waxa uu warbixin guud ka bixiyey safar shaqo oo ay ku tageen Nairobi si ay uga qayb galaan Shir Sare (High-Level Development Forum) oo ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ay ku qabatay magaalada Nairobi, iyaga oo kulano midho-dhal ah la yeeshay Hayy’ado door ah oo Caalami ah oo ay ka mid yihiin Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu iyada oo kaashanaysa Shirkadda DP World ay ku hawlan tahay dar-dargelinta iyo kor u qaadista isticmaalka iyo adeeg bixinta casriga ah ee Dekedda Berbera ee Ganacsatada iyo Waddammada jaarka ah, gaar ahaan dalka Itoobiya.

𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

Waxaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Xummadda loo yaqaan Dengue Fever (oo ay dhaliso nooc ka mid ah Kaneecada -Mosquito-) ay ka dillaacday Gobollada Bariga Somaliland, iyada oo ay Wasaaraddu u dirtay kooxo dhakhaatiir ah iyo daawooyin si ay bulshada ugu fidiyaan adeeg caafimaad, talo bixin iyo dawayn.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa ka hadlay saamaynta adag ee ay Abaaruhu ku yeesheen adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan bulshooyinka ku nool deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu iftiimiyey waxyeellada Abaaraha ee xagga adeegyada caafimaadka bulshada, gaar ahaan Nafaqo-darrada, cabsi laga qabo Xannaanada Faafa iyo Daawooyinka iyo Agabka Caafimaadka oo meelaha qaarkood aad u kooban.

𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Axmed Jaamac Barre.

Shirweynaha Bandhigga Carwada Macdanta ee (Somaliland Minerals Expo 2025) ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 15–16 December 2025, iyada oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 dal, Shirkado, Khubaro heer Caalami ah iyo Haldoorka Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo lagu soo bandhigo khayraadka dalka.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay War-Murtiyeed iyo Qodobbo (11) ka soo baxay Shirweynaha, qodobadaasi oo ay ka mid yihiin:

1. Joogtaynta Carwadda Macadanta Somaliland Sannad walba.

2. Xoojinta dhaqan galinta Shuruucdda, Siyaasaddaha, Xeerarka la xidhiidha la faa’iidaysiga khayraadka macdanta Somaliland.

3. In la Sameeyo sahan macdaneed oo balaadhan si helo xogta dhabta ah Macdanaha Dalka.

4. Aasaaska Machadka Culuumta Macdanta ee dalka (Establishing National Institute for Mining).

5. In ay Wasaardda Tamarta iyo Macdantu ay ka hawl gasho sidii uu dalku u yeelan lahaa Shaybaadh Caalami ah (International Mining Laboratory Standard).

6. Dhiirrigelinta maalgashiga Macdanta, Gudaha iyo Dibaddaba.

7. In mudnaan gaar ah la siiyo ilaalinta deegaanka, saameynta bulshada, iyo ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee mashaariicda macdanta.

𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐌𝐢𝐲𝐢𝐠𝐚:

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed

Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey tirada xoolaha la daweeyey (2,791,052); qoysaska ka faa’iidaystay adeegyada daweynta Xoolaha (46,517 oo qoys); Xoolaha caafimaadkooda la hubiyey ee lagu qalay kawaanada dalka (504,543); iyo tirada Xoolaha nool ee dalka ka dhoofay (3,403,170).

Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta ba’an ee ay Abaaruhu ku yeesheen nolosha iyo dheefta xoolaha, iyaga oo sababay yaraanta daaqa iyo biyaha yaraan, daciifinta caafimaadka xoolaha, hoos u dhaca wax-soo-saarka (caanaha iyo hilibka), iyo khatar sii kordhaysa oo ku timaada nolosha iyo maciishadda qoysaska ku tiirsan xoolaha.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay qabsoomidda Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha ee Heer Qaran  oo dhawaan dalka ka qabsoomi doonto taas oo ujeedadeedu tahay kor u qaadista tayada wax-soo-saarka xoolaha, ballaadhinta suuqyada, iyo xoojinta doorka xooluhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha Qaranka.

𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐢𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚:

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Maxamed Cabdulmalik Axmed ayaa ka warbixiyey Qorshe Qaran oo lagu yaraynayo shilalka gaadiidka, isaga oo sheegay in la sameeyey daraasaad lagu ogaaday sababaha shilalka keena, lagana soo saaray talooyin wax ku ool ah oo ka kooban 23 qodob. Waxa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban 14 xubnood si ay u hoggaamiyaan hirgelinta Qorshaha.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu xusay in la adkeeyey xeerarka maamulka gaadiidka dawladda iyo shicibka, lana qaban doono Shirweyne Qaran oo la xidhiidha Wadaagayaasha arrimaha Shilalka Gaadiidka oo ay isugu imanayaan Hay’adaha ku hawlan arrimaha shilalka.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in la diyaariyey Qorshaha 5-ta sano ee Wasaaradda, kaasi oo diiradda saaraya dhimista shilalka gaadiidka, bedbaadada bulshada, wacyigelinta dadweynaha,  ilaalinta feyo-qabka Gaadiidka, adkaynta xeerarka iyo habraacyada waddo-marista, dhismaha iyo dayactirka waddooyinka dalka.

𝟕. 𝐖𝐚𝐫-𝐦𝐮𝐫𝐭𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe).

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddu ayaa socday muddo 2 cisho ah (16-17/12/2025), ayaa waxa ka soo qayb galay madax sare oo ka tirsan Xukuumadda, Hay’adaha Samafalka ee Caalamiga ah iyo Maxalliga ah, Jaamacadaha dalka iyo daneeyayaasha nidaamka daryeelka bulshada.

Shirka waxa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 10 Qodob oo ay ka mid ahaayeen:

1. In sannad kasta 16 ilaa 17 December la qabto Shirweynaha Daryeelka Bulshada

2. In la dardargeliyo dhamaystirka Xeerka Daryeelka Bulshada

3. In la dhiso Nidaamka Diiwaanka Qaranka JSL ee Daryeelka Bulshada

4. In la xoojiyo Qorshaynta, Qiimaynta iyo Kormeerka Barnaamijyada Daryeelka Bulshada

5. In Xukuumaddu ay kordhiso Miisaaniyadda Qaranka ee loo qoondeeyo Daryeelka Bulshada

6. In la xoojiyo habka wada-shaqaynta Hay’adaha Qaranka iyo Ururrada Samafalka

7. In la diyaariyo Qorshe Hawleed Qaran oo la xidhiidha masuuliyadaha iyo doorka Hay’ad kasta kaga aaddan Daryeelka Bulshada

𝟖. 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝:

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Siyaasadda Qaran ee Dhulka Somaliland ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in hirgelinta siyaaddan ay horseedi doonto abuurista jawi nabdoon oo ku saabsan maamulka dhulka iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka. Sidaa darteed, waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in soo akhriyaan, si mug leh u naaqishaan isla ay ka soo talo bixiyaan Siyaasadda Qaran ee Dhulka Somaliland.

𝟗. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 (𝐇𝐢𝐠𝐡-𝐋𝐞𝐯𝐞𝐥 𝐃𝐞𝐯𝐞𝐥𝐨𝐩𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐂𝐨𝐨𝐫𝐝𝐢𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦):

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Shirka (High-Level Development Coordination Forum) oo ahaa mid muhimmad weyn u lahaa Qaranka, waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, waxana lagu qabtay magaalada Nairobi 9/12/2025. Wasiirka ayaa Golaha u sheegtay in shirkan wajigiisii koowaad ay ka soo qayb galeen Dalal iyo Hay’ado Caalami ah oo badan, halkaasi oo waftigii ka socday Somaliland ay ku soo bandhigeen Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo mudnaanta horumarineed ee dalka JSL, iyaga oo si gaar ah uga war bixiyey xaaladda dhaqaalaha, nabadgelyada, arrimaha bini’aadannimo, iyo horumarinta mashaariicda horumarineed.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa ay sheegtay in wajigii labaad ee shirkan, waftiga Somaliland ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen Qaramada Midoobay, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Boqortooyada Denmark, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika, kuwaasi oo lagaga wada hadlay mashaariicda hadda socda iyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa ay Golaha u sheegtay in Shirkaasi uu ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad, iyada oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo dardargelinta horumarinta mashaariicda Somaliland.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

https://www.facebook.com/share/p/15zdK5V5GR