Shirka Isku-dubaridka Horumarka Somaliland (HLDCF) oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa waxaa guddoominaysay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, oo hoggaaminaysay wafti sare oo ka socda Xukuumadda Somaliland. Wasiirka waxa safarka ku wehelinayey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta,Safiirka Somaliland ee Kenya, iyo xubno farsamo ka socday Qaar kamida Wasaaraddaha iyo haayadaha Dawladda.
Madashan oo ah tan ugu sarraysa ee nidaamka isku-dubaridka horumarinta Somaliland, ayaa waxa ka qaybgalay Dawladda Somaliland, qaar ka mid ah dawladaha Yurub, Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Bangiga Adduunka, iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Intii uu shirka socday, waxa lagu soo bandhigay guulaha horumarineed ee Somaliland gaadhay sanadkan, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay xogaha abaaraha, arrimaha bini’aadannimo, iyo mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka.

.Sidoo kale, madasha waxaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, oo ay ka mid yihiin beeraha, badda, xoolaha, macdanta iyo tamarta, kuwaas oo qayb weyn ka qaadan kara koboca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo abuurka.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, dejinta mudnaano wadajir ah, iyo horumarinta nidaamyada qorshaynta ee Somaliland. ayaa labada dhinac isla qaateen in si wadajir ah loo diyaariyo, loona fuliyo barnaamijyada horumarineed.
Ugu damayn Shirku wuxuu adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo in la xoojiyo habraacyada horumarineed ee dalka.
