𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐧𝐬𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan diblomaasiyadeed oo muhiim ah kula yeeshay Safiir ku-xigeenka Dawladda Faransiiska u fadhiya Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Romain Joly iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Somaliland. Weftiga ka socday dalka Faransiiska, oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee…
