𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉SL oo booqday 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥

state visit

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tegay dalka Israa’iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay, isla markaana kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Mudane Isaac Herzog.

Booqashadan oo ah tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayaa lagu maamuusay hab-maamuus heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta Qaranka JSL. Sidoo kale, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israa’iil.

STATE VISIT 1

Labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israa’iil. Waxa ay sidoo kale si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Munaasibadda ka dib, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyaga oo carrabka ku adkeeyey qiyamka ay wadaagaan ee nabadda, xasilloonida, horumarka, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo iskaashiga waxtarka u leh labada shacab.

STATE VISIT 2

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dalka Israa’iil ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku maamuusay Qado-sharaf Qaran oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Israa’iil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashadan taariikhiga ah iyo muhiimadda ay u leedahay xidhiidhka labada dhinac.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Israa’iil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah, ayaa waxa ay calaamad u tahay marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada ay Jamhuuriyadda Somaliland ku ballaadhinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah, iyada oo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.

STATE VISIT 3

Arrintani waxa ay shacabka Somaliland u tahay dhacdo Qaran oo taariikhi ah oo ka tarjumaysa sumcadda, karaamada iyo miisaanka sii kordhaya ee dalkoodu ku leeyahay masraxa caalamiga ah.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

https://www.aljazeera.com/video/newsfeed/2026/6/14/israel-welcomes-somaliland-president-in-historic-visit