Fashilka Wasaarada Duulista Hawada iyo horumarinta Madaarada Jamhuuriyada Somaliland

EVISA

Wasaarada Duulista Hawada iyo horumarinta madaarada Jamhuuriyada Somaliland waxa ay masuul ka tahay dhamaanba aviationka Somaliland. Marka laga yimaado khaladaadkii hore ee ay galeen Gudoomiye Xirsi iyo Gudoomiye Maxamuud Xaashi waagii ay dalka sida dadban u maamulayeen, khaladaadkaas oo keenay in hawadii Somaliland ay Somalia la wareegto, intii Wasaaradan Duulista Hawada iyo horumarinta madaaradu ay la wareegtay masuuliyada aviationka Somaliland, waxa dhacay dhacdooyin waaweyn oo la xidhiidha duulista rayidka (Civil Aviation) kuwaas oo saamaynaya Qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

1. Badalaadii magaca Jamghuuriyada Somaliland

Waagii hore marka uu qofku tigidh ka goosanayo websiteyada (online) shirkadaha flydubai iyo Ethiopian airlines ee uu u socdo Hargeisa, waxa u soo bixi jirtay goobta uu u socdo (destination) Hargeisa, Somaliland. Hase yeeshee, Soomaaliya ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee yimaada Somaliland, in ay systemkooda bookinada tigidhada ka masaxaan magaca Somaliland kuna badalaan magaca Soomaaliya.

Amarkaa ka soo baxay Soomaaliya, labadaa shirkadood ee flydubai iyo Ethiopian Airlines way u hogaansameen oo fuliyeen, magacii Somalilandna waxa ay ku bedeleen Somaliya oo hadda marka aad tigidh goosanayso, magaca Soomaaliya ayuun baa ku jira systemka bookingka ee diyaaradaha oo ku lamaan Hargeisa (Hargeisa – Somalia) halkii uu ka ahaa (Hargeisa – Somaliland)..

Waa dafiraad ay shirkadahaasi dafireen jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay ahayd in lagula xisaabtamo.

Nasiib darro, markii arrinkaasi soo baxay Wasaarada duulista hawada iyo horumarinta Madaarada Jamhuuriyada Somaliland talaabo adag oo ay arinkaa kaga hortagayso ama ku hor istaagayso ma ay qaadin, hawshaasina sidaa ayey ku hirgashay!

2. Gudbinta magacyada rakaabka

Waxa ku xigtay Soomaaliya oo shirkadaha diyaaradaha ee flydubai iyo Ethiopian Airlines ka dalbatay in la siiyo ama loo soo gudbiyo nuqul ka mid ah magacyada rakaabka (Passenger Manifest) diyaaradaha u raacaya Hargeisa, Somaliland.

Shirkadihii diyaaraduhu isla markiiba waa ay fuliyeen amarkaa uga yimid Soomaaliya iyaga oo aan xataa wargalin, lana tashan wasaarada duulista hawada ee Jamhuurida Somaliland.

Waxa Soomaaaliya sidaa ugu gacan gashay xogtii muwaadiniinta reer Soomaaliland, Laakiin,  wasaaradeena duulistu waxba kama odhan arinkaa, sidaa ayaanuu ku dhaqan galay!

3. Macluumaad dheeri ah oo laga gudbinayo rakaabka

Mar kale, Soomaaliya waxa ay shirkadaha diyaaradaha ka dalbatay in loo soo gudbiyo macluumaadka shakhsiga ah ee laga ururiyo dhoofayaasha marka ay tigidhada diyaaradaha goosanayaan ama ay yimaadaan airportka iyo miiska dhoofka diyaarada (check in counter) si ay isu diiwaan galiyaan una qaataan warqada dhoofka (boarding pass).

Macluumaadkan oo loo yaqaano (Advance Passenger Information – API), xogta ku duugan waxa ka mid ah magaca qofka, jinsiyadiisa, passport numberka, goorta la bixiyey, wakhtiga uu dhacayo, wakhtiga iyo goobta dhalashada, goobta deganaanshaha iwm. Xogtan waxa loo sii diraa maamulka ka jira halka uu qofkaasi u socdo waxaana ku hawlgala qaybo kala duwan oo dawladaa loo socdo ka mid ah sida airportka oo ku sii xisaabtama tirada dadka, nooca, vip, baahi gaar ah iwm, immigration oo shaqadooda ka qabsada, sirdoonka oo liiska shaaandheeya cidii ay u baahdaana marka uu soo dago hawshooda ka fushada iwm.

Hadaba, Qofka u socda Hargeisa iyo Somaliland, ma jirto sabab macluumaadkiisa loogu diro dal kale iyo Soomaaliya oo loogu gacan galiyo NISA, waana arrin halis ku ah amniga muwaadiniinta somaliland.

Nasiib darro, hawshaa khatarta amni ah Wasaarada duulistu waxba kama ay qaban, mana ay joojin, sidaa ayaanay ku fushay!

4. Cashuurta dhismaha madaarada Soomaaliya

Intaa kuma ay joogsan Somaliya, balse Qof kasta oo ka baxaya Hargeisa una socda Muqdisho iyo qof kasta oo ka soo duulaya Muqdisho una soo socda Hargeisa, waxa lagu soo rogay lacag dhan $30 oo lagu sheegay “Airport development ” looguna talogalay in lagu dhiso garoomada Soomaaliya.  Lacagtan oo qof walba tigitkiisa la socota, shirkadaha diyaaradaha ayaa qaada oo ururiya ka bacdina ku wareejiya Soomaaliya. 

Mar kale Wasaaradeena duulista oo arinkaa si fiican uga warqabtaa waxba kama ay qaban, mana ay joojin lacagtaa laga qaadayo reer Somaliland ee lagu dhisayo Soomaaliya, ilaa hadana waa ay socotaa!

5. Soo rogida Evisa iyo Etas

Soomaaliya oo talaabooyin hore oo cunaqabatayn iyo cidhiidhi galin ahi ay u hirgaleen, waxa ay samaysatay hab ay ku bixiso visaha dalkeeda oo loo yaqaan e-visa.  Waxa ay ku wargelisay dhamaan shirkadaha diyaaradaha oo ay ku jiraan kuwa yimaada Somaliland, in aanay soo qaadi karin qof aan sidan e-visa oo lacagtiisu tahay $60.  Muddo yar ka bacdi, Electronic Travel Authorisation System (eTAS) oo ah ogolaansho dal galid ah ayey Soomaaaliya soo rogtay oo xataa qofku isaga oo visa qaatay ayaa loo diidi karaa in uu diyaarada ka soo raaco garoonka uu joogo!

Arinkani waxa uu saameeyey muwaadiniintii reer Somaliland ee sitay passporada Ajnabiga ah ee u socday dalkooda Hooyo oo ku xanibmay garoomadii ay ka soo dhoofi lahaayeen, Dubai iyo Addis Ababa.

Hawshan oo culayskeeda leh, khatar amni ah oo xogtii muwaadiniintu ay u gacan galayso dal shisheeye, culays dhaqaale ku keenaysa qurbejoogii, meel ka dhac ku ah Qaranaimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana keentay in qurbejoog badani dalka u iman waayaan arinkaa daraadeed, Wasaaradeena duulistu waxba kama ay qaban, marka laga reebo warqado ay qortay oo aan shaqayn iyo shir jaraa`ido madhan oo aan macno badan lahayn, waana caqabad ilaa maanta taagan.

Todobaadkii hore, maalintii iyo markii ay wasaarada arrimaha dibedu xusaysay todobaadkii Qurbejooga,  Aniga iyo dad badan oo Qurbejoog ah oo diidey in ay qaataan evisa Soomaaliya oo soo maray Addis Ababa- Jigjiga- Wajaale,  waxa aanu xanibaad iyo baadhitaan bahdil ah kala kulanay magaalo qaran, halka hoolka wayn ee Acga leh ee Serena maaweelada Wasaarada arimaha dibedu ay ka socotay!

EVISA

Wakhtiga arimahaa aan kor ku soo sheegay oo dhan ay dhacayeen, ma KAAH ayaa dalka masuul ka ahaa???

Wasaarada duulistu sidan ha isu dhaanto.

Dadku isbedel iyo waxqabad dhab ah ayey sugayaan oo ay u codeeyeen!

Cabdikariim Cali Baarjeex