Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo magacaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyey Badhasaabyada dalka qaarkood

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xilalkani u leeyihiin u  adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay:  In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey:  La-tashi, laga bilaabo taariikhda maanta:

Table of Contents

Magacaabis

𝟏. In Cabdirashiid Xasan Mataan uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

𝟐. In Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

𝟑. In Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

𝟒. In Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh.

𝟓. In Cabdi Siciid Faahiye Allaale oo ahaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Salal uu ahaado Xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

𝟔. In Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare)  oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saraar uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Salal.

𝟕. In Cabdiraxiin Muxummad Axmed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daadmadheedh uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Saraar.

Xil ka qaadis

Ku:  Muxumad Xasan Jaamac (Xoday)

       Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal.

Ku: Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane

      Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil.

Ku: Axmed Cabdi Muuse

      Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag

Ku: Haybe Cismaan Muuse.

      Xubin hore oo ka tirsan GuddidaTacliinta Sare.

𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐗𝐢𝐥-𝐤𝐚-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬;

Mudaneyaal ,

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranku dabcigoodu waa meerto iyo in hadba loo igmado cidda ugu habboon ee gudan karta waajibaadka saaran. Sidaas darteed, waxa aan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan  idinka qaado xilalkii aad Qaranka u hayseen

Waxa aan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad xilka haysay iyo dedaalkii aad geliseen gudashada waajibaadka Qaranka. Waxa aan idiin rejaynayaa guul iyo horumar dambe.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡

 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝