Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa 2dii February safar shaqo ugu baxay magaalada dubai. Madaxweynuhu waxa uu sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), shirkaas oo ka qabsoomay Magaalada Dubai ee dalka Midowga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ka mid ah kulamada Caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dunida, waxa badanaaba diiradda lagu saaraa hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta Dawladnimada, iyo aragtida mustaqbalka caalamka.
Shirka World Governments Summit ee sanadkan waxa ka soo qaybgalay kumannaan qof, kuwaas oo isugu jiray Madax Dawladeed, Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Ra’iisul-wasaarayaal, Wasiirro, Khubaro Caalami ah, Ganacsato waaweyn, iyo Wakiillo ka socda Hay’adaha waaweyn ee Caalamiga ah. Ka soo qaybgalka ballaadhan ee heerkan ahi waxa uu muujinayaa miisaanka iyo saamaynta uu Shirku ku leeyahay jihaynta Siyaasadda iyo Horumarka Caalamiga ah.
Ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Shirka sanadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu si cad u muujinayaa doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay fagaarayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah.
Sida oo kale, ka qaybgalka Shirkan Caalamiga ah waxa uu Somaliland u leeyahay faa’iido diblomaasiyadeed oo weyn, maaddaama Jamhuuriyadda Somaliland ay codkeeda, aragtideeda iyo waayo-aragnimadeeda Dawladnimo ka dhiibanayso Madal Caalami ah, taasi oo xoojinaysa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday kulamo midho-dhal ah la yeeshay Madaxweynayaal, Hoggaamiyeyaal iyo Masuuliyiin Caalami ah, isaga oo faahfaahin ka siiyey horumarka, xasilloonida, iyo hiigsiga mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer ugu sharaxay masuuliyiinta uu la kulmay Taariikhda soo jireenka ah ee Jamhuuriyada Somaliland iyo in ay Somaliland ahayd dal madaxbanaan oo si ikhtiyaari ah ula midoobay Somaliya, ka bacdina dib ula soo laabtay madaxbanaanidiisii.

Habeen hore, Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey waxa ay ka qayb-galeen casho sharaf rasmi ah oo ka qabsoontay magaalada Dubai, oo ay ka soo qaybgaleen madaxda aduunka eek a qaybgalaysay shirkaa Dubai. Madaxda sida gaarka ah uu Madaxweynuhu ugula kulmay kulankaa casho sharafeeda ah wax aka mid ahaa Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah Boqorka dalka UK, King Charles III walaalkii. Madaxweynaha iyo Amiirku waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka taariikhiga ah eek a dhexeeya Great Britain iyo Jamhuuriyada Somaliland. Dhiniciisa Amiirku waxa uu sheegay in uu si dhaw ula socda arimaha Jamhuuriyada Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay, waxaanuu u rajeeyey jamhuuriyada Somaliland guul

Kulankan Casho Sharafta ah waxa sidoo kale soo qayb galay Sir Gavin Williamson MP oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalka Ingiriiska isla markaana ah saaxiib dhow oo ay Jamhuuriyada Somaliland leedahay oo si buuxda u aaminsan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, isla markaana door weyn kaga jira taageerada aqoonsi-raadinta iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga, iyo xidhiidh bulsho ee u dhexeeya shacabka labada dal, iyada oo la muujiyay rabitaanka wadajirka ah ee lagu hormarinayo dano-wadaag ah iyo mustaqbal waara.

Wefiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hogaaminayo oo ka kooban:- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Macdanta & Tamarta, Wasiirka Diinta & Awqaafta, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff); La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda ayaa la filayaa in ay maalinta Sabtida dalka dib ugu soo laabtaan.
