Sidee loo dhisaa garoomada diyaaradaha?
Marka la dhisayo garoomada diyaaradaha ama dib loo casriyeynayo mid hore u jiray, waxa lagama maarmaan ah in lagu xisaabtamo oo qorshaha lagu daro, maankana lagu hayo, arrimo badan si loo xaqiijiyo airportku in uu noqdo mid wakhti badan jira, ammaan ah, badqabkiisu sugan yahay, dakhli soo saara, deegaanka aan dhib u gaysan, adeeg fiican…
